Bankiga Adduunka oo oggolaaday $12 Bilyan oo lagula tacaalo COVID-19

0
280

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $12 bilyan si looga caawiyo dalalka soo koraya iibsashada iyo qaybinta tallaalada Korona Feyras.

“$12-ka bilyan waa qeyb ka mid ah cagata Bangiga Aduunka oo gaareysa ilaa $160 bilyan, taas oo lagu caawinayo dalalka soo koraya sidii ay ula dagaalami lahaayeen COVID-19”. Bankiga Adduunka ayaa bayaan uu soo saaray sidaas ku yiri.

Bangiga Adduunku wuxuu sheegay in barnaamijyadiisa COVID-19 ee gurmadka degdegga ah ay durba gaareen 111 dal.

Muwaadiniinta ku nool waddamada soo koraya ayaa sidoo kale u baahan helitaanka tallaal badbaado leh oo wax ku ool ah oo ah COVID-19, ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan kordhinaynaa oo balaarinayna hannaankeena dhaqsaha badan ee wax looga qabanayo xaaladaha degdega ah ee COVID, si dalalka soo koraya ay u helaan caddaalad iyo sinnaan la xiriirta talaalka,” ayuu yiri gudoomiyaha bangiga, David Malpass.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here