Baydhabo(Radio Arlaadi)- Mashruuca ka soo kabashada Xasaaradaha ee soomaaliya oo markii magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (SCRP) ayaa maanta ka furmey Baydhabo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Ambassator mudane Al i siciid Fiqi ayaa Daah furay shirka Wadatashiga Mudnaansiinta baahiyaha u adkeysiga iyo soo kabashada dowlad goboleedka koonfur Galbeed kaasi oo ay ka qeybgalayaan wasiiradda.
Warkan waxaa inoo haya Maryan Macalin Abshir