Juventus oo qorsheeneysa inay ku garaacdo Real Madrid iyo Barcelona saxiixa xiddig si weyn loo wada doonayo

0
264

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wargeysyada Talyaaniga ayaa sheegaya in Juventus ay heshiis la gaartay daafaca reer Austria iyo kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee David Alaba, si ay ula soo saxiixdaan xagaaga soo aadan.

Qandaraaska David Alaba ee kooxda Bayern Munich oo 28 jir ah ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga soo socda, wuxuuna ciyaaryahanka diiday inuu qandaraaska kodhiyo, sababa la xiriira inuu doonayo inuu tijaabiyo tartan cusub oo meel kale ah.

Magaca David Alaba ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid ama Barcelona, ​​kuwaasoo doonayay inay la soo wareegaan xiddiga reer Austria.

Website-ka “CalcioMercato” ayaa tilmaamay in Juventus ay kaga naxsatay qof walba kaddib markii ay heshiis la gaareen David Alaba, si uu ugu biiro Bianconeri kaddib marka uu dhamaado qandaraaskiisa kooxda Bayern Munich.

Warbixinta ayaa waxay intaas ku dartay in David Alaba la filayo inuu saxiixo heshiiska uu ugu biirayo kooxda Juventus bisha Janaayo ee soo socota, markaasoo uu xaq u yeelan doono inuu ugu biiro koox kasta beeca xurta ah.

Waxaa xusid mudan in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Austria David Alaba uu ka qeyb qaatay kooxdiisa Bayern Munich ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, seddex kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here