Arsene Wenger Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Karta Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

0
251

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay in ayna kooxda Arsenal lahayn diciifnimo cad.

Arsene Wenger ayaa sidoo kale kooxdiisii hore u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa sif iican ku bilaabatay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo badiyay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ay ciyaareen prmeier League.

Arsenal ayaa sidoo kale Quarter Final-ka Caraboa cup-ka la ciyaari doonta kooxda Man City.

Gunners ayaana doonaysa in ay ku guulaysato koobab kadib markii ay horay kor ugu qaaday FA Cup-ka iyo Community Shield tan ilaa markii uu Mikel Arteta yimid.

Kadib markii ay heshiis cusub ka saxiixdeen Pierre Emerick-Aubameyang sidoo kale 45 milyan oo euro kula soo wareegeen Thomas Partey dad badan ayaa wax weyn ka filaya Arsenal.

Tababaraha Halyeeyga u ah kooxda ee Wenger oo 22 sano kula guulaystay 3 horyaal ayaa sheegay in ay kooxda Mikel Arteta ku guulaysan karaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Waxan u malaynayaa waxa ay leeyihiin ruux kooxeed oo fiican, waxana ay haystaan fursad ay si fiican ugu ciyaari karaan”ayuu Wenger yidhi.

“Waxa aan rumaysanahay in ay adagtahay in ay horumariyaan dhibicihii ay heleen xilli ciyaareedkii hore”.

“Laakiin waxa aan aaminsanahay in ay Arsenal ku guulaysan karto horyaalka premier League sababta oo ah ma lahan diciifnimo dhab ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here