Baydhabo(Radio Arlaadi)- Ardeyda wax ka barta magaalada Melbourne, ee dalka Australia ayaa maanta dib ugu laabtay iskuullada kadib markii dib loo furay.
Dowladda Australia ayaa khafiifisay bandowgii lagu soo rogay dalkaas si looga hortago cudurka safmarka ee karoona feyris.
Waalidiinta badan ayay ku adkatay in ay caawiyaan caruurtooda guryaha wax ku baraneysa oo u baahan in lagu kaalmeeyo waxbarashada iyo farsamada kale ee ay u baahanyihiin ardeyda guryaha wax ka barata.