Hay’adda WFP oo ku guuleysatay abaalmarinta Nobelka

0
259

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Hay’adda Cuntada Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP ayaa sanadkan ku guuleysatay Abaalmarinta Nobel-ka ee Nabadda 2020-ka iyada oo abaalmarinta ku muteysatay dadaalkeeda ku aaddan la dagaallanka gaajada aduunka.

“WFP waxay u dhaqantay Sidii xoog horkacaya dedaallada looga hortagayo in gaajada loo adeegsado hub dagaal iyo isku dhac” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Guddiga Abaalmarinta Nobel-ka.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda WFP ayaa sanad walba caawisaa qiyaastii 97 milyan oo qof oo ku kala nool 88 dal.

Sanadkii la soo dhaafay waxaa abaalmarintan ku guuleystay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo isna biladda ku helay dadaalkii uu ku bixiyay soo afjaridda ismari waagii 20-ka sano dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Abaalmarintan ayaa qiimaheedu lagu qiyaasaa $1.1 oo dollar waxaana sanadkan guuleystaha 101aad ee ku guuleysta biladdan looga dhawaaqay machadka Nobel ee magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here