Hindiya oo tirada dhimashada Koroona Feyris ay kor u dhaaftay 100,000

0
256

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tirada dhimashada uu sababay cudurka Karoona Feyris ee dalka Hindiya ayaa maanta Sabti ah gaartay 100,000 oo qof taas oo ka dhigeysa dalka Hindiya dowladdii sadexaad ee heerkaas gaartay, waxaa kaalinta koowaad iyo labaad ee dalalka ugu dhimashada cudurka Karoona ku jira Mareykanka iyo Brazil.

Sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka dalka Hindiya waxaa cudurka Karoona Feyris u dhintay dad gaaraya 100,842 qof halka dadka caabuqa qaadayna ay gaarayaan 6.47 Milyan oo qof. Maalin walbana waxaa celcelis cudurka Karoona Feyris uu ku dhacaa dad gaarayaa 79,476 qof, dalka Hindiya ayaana haatan hoggaaminaya dalalka uu ugu faafidda badan yahay cudurka Karoona.
Xukuumadda Narendra Modi ayaa wajaheysa dhaqaalo burbur ballaaran ka dib markii uu dalka oo dhan xirnaa tan iyo bishii Maarso ee sanadkan si loo yareeyo faafidda cudurka Karoona Feyris.

Balse Xukuumadda Narendra Modi ayaa haatan qorsheyneysa in guud ahaan dalka oo dhan la isu furo maadaama cudurkiina la maareyn kari waayay dhaqaalihiina burburay.

Todobaadkan waxaa la ogolaaday in qeyb ahaan dib loo furo Shaleemooyinka aflaamta laga daawado sidoo kale waxaa la filayaa in dowladdu ay ogolaato dib u furidda Iskuullada bartamaha bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here