Hordhac: Leeds United Vs Man City: Citizen

0
483

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Leeds United ayaa marti galinaysa kooxda Man City kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad ee horyaalka Premier League kulan ka dhici doona garoonka Elland Road.

Kooxda Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ay ka go’antahay in ay ku soo laabtaan wadada guusha kadib ceebtii kulankii Leicester City.

Dhanka kale kooxda Leeds oo wacdaro dhigaysa xilli ciyaareedkan ayaa doonaysa in ay milix sii mariso dhaawaca kooxa Pep Guardiola kulanka.

Kulanka: Leeds United Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Elland Road

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Leeds ayaa badisay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Man City Iyada oo ay ku jiraan labadii ugu dambeysay ee Elland Road.

Patrick Bamford wuxuu noqon karaa laacibkii ugu horreeyay Leeds ee gool dhaliya 4 kulan oo xidhiidh ah premier League tan ilaa Mark Viduka bishii April 2004.

Man City ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 31-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay kooxaha soo dallacaylaakiin guuldaradaas ayaa timid markii ugu dambeysay ee ay booqdaan kooxda ku guuleysatay Championship waxana ay ahayd Norwich City xilli ciyaareedkii hore.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii afraad ee dhexmara Marcelo Bielsa iyo Pep Guardiola tartamada oo dhan, iyada oo saddexdii hore ay yimaadeen 2011/12 markaas oo ay iska hor yimaadeen Guardiola oo hogaaminayay Barcelona iyo Bielsa oo hogaaminayay Athletic Bilbao walina Guardiola lagama badin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here