Sadio Mane Oo Uu Ku Dhacay Xanuunka Karoona.

0
303

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Liverpool ayaa shaaca ka qaaday in xiddigooda Sadio Mane laga helay xanuunka weli dunida ka jira ee caabuqa Karoona

Qoraal ay soo saareen Liverpool waxa ay ku yiraahdeen” ka dib tijaabo uu maray waxaa soo baxday in Mane uu haleelay xanuunka karoona , sidaa darteed waxa uu laacibka sameynayaa is go`doomin”.

” Inkastoo ay ka soo muuqdeen calaamadaha xanuunkaas hadana Mane caafimaad ahaan aad ayuu u wacan yahay”.

Waxaa xusid mudan in Mane uusan ciyaarin kulankii Arsenal xilligaas oo kooxdiisa looga bdiyay rigoorayaal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here