In ka badan Kun qof oo 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka Brazil ugu dhimatay cudurka Karoona Feyris

0
335

Baydhabo(Radio Arlaadi)-In ka badan Kun xaaladooda oo dhimasho ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay laga diiwaan geliyay dalka Brazil sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 1,031 qof ay u dhinteen cudurka Karoona Feyris 24-kii saac ee la soo dhaafay iyada sidoo kalena diiwaan gelisay 33,413 kiis oo cusub oo cudurka qaaday.

Wadarta guud ee dadka reer Brazil ee uu ku dhacay cudurka Karoona Feyris ayaaa sii cagacageyneysa Afar Malyan Sideed Boqol iyo Toban Kun Sagaal Boqol iyo Konton iyo Labo, 4,810,935, halka isu-geynta dhimashaduna ay gaareyso 143,952 qof.

Wadanka Brazil ayaa kaalinta seddexaad kaga jira dalalka ugu badan ee uu dadkooda ku dhacay Karoona Feyris iyadoo kaalinta labaadna uga jirta xagga kala horeynta dalalka ugu dhimashada badan.

Dad ku dhow 34 Milyan ayuu dunida oo dhan haleelay cudurka Karoona Feyris halka uu dilay dad ka badan hal malyan oo qof dalalka Mareykanka, Hindiya iyo Brazil ayaa safka hore kaga jire dalalka khasaaraha ugu badan u geystay cudurkan safmarka ah ee Karoona Feyris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here