Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tiro yar oo dhar ah oo ay is kugu jiraan fanaanado, buumooyin iyo macawiisooyin kala duwan ayaa garbaha u saaran maalin kasta waxaa uu kula waregaa ama uu ku iibiyaa goobaha laga raaco gaadiidka u kala safra degaano ka tirsan Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Cali Maxamed Cali waa 60 sano jir waxaa uu jogaa waqtigii nasiinyada iyo in beydka Alle fadhigiisa u badnaan laheyd balse dhibaato iyo xaalada aduunyo oo ka xun darteed ayaa wuxuu baday in uu Magaalada kula wareego siduu u iibin lahaa dhar yar si uu u helo lacag uu ku maareeyo naftiisa iyo mida qoyskiisa oo ku nool Magaalada Baydhabo.
Warbixintan waxaa inoo haya SiidCali Muuse Ateera