Hordhac: Liverpool Vs Arsenal

0
321

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier League ayaa ka dhici doona Anfield iyada oo kooxda Liverpool marti galin doonto kooxda Arsenal kulan ka tirsan todobaadkii 3-aad ee premier League.

Labada koxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay sii wataan guulaha ay ku bilowdeen horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Arsenal. Si kasta ha ahaatee Gnners ayaa badisay kulankii ugu dambeeyay ee Premier League ee labada kooxood ku dhexmay Emirates Stadium.

Kulanka: Liverpool Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Arsenal ku marti galisay Anfield waxana ay Arsenal ka badiyeen kulamada ugu badan ee xidhiidhka ah iyaga oo 7 kulan ka badiyay intii u dhexaysay 1981/1988

Guushii 2/1 ahayd ee ay Arsenal ka gaadhay liverpool bishii July ayaa ahayd midii ugu horaysay ee ay ka gaadho Reds 10 kulan oo premier League ah xilli Gunners raadinayso in ay laba kulan oo xidhiidh ah ka badiso Liverpool premier League markii ugu horysay tan ilaa September 2012.

Kooxda Liverpool ayaan laga badinin 60kii kulan ee ugu danbeysay Premier League ee ay ku ciyaareen garoonkooda, tan iyo bishii April 2017.

Arsenal ayaa isha ku heysa inay badiso seddexdooda kulan ee furitaanka xilli ciyaareed Premier League markii ugu horeysay tan iyo 2004/05.

Mikel Arteta ayaa noqon kara tababarihii ugu horeeyay ee Arsenal ee badiya kulankiisii ​​ugu horeeyay Liverpool Kaga Badiya Anfield Premier League tan ilaa Tom Whittaker sanadkii 1947.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here