Man City Oo La Xaqiijiyay In Ay Dhamaystirtay Saxiixeedii 3-aad Ee Xagaaga.

0
311

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda reer Portugal ee Benfica ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu daafaceeda Ruben Dias ku biiray kooxda Man City xagaagan.

Kooxda Man City ayaa doonaysay daafac dhexe oo ay ku xaqiijiso daafaceeda dhexe xilli ciyaareedkan iyada oo xiddigo badan lala xidhiidhiidhinayay.

Kooxda Benfica ayaa warbixin Rasmi ah ku xaqiijisay in uu Ruben Dias ku biiray kooxda Man City isaga oo ugu biiray lacag dhan 68 milyan oo euro.

Ruben Dias ayaa noqon doona saxiixii 3-aad ee ay samayso kooxda Man City inta lagu jiro suuqa xagaagan kadib Farren Torres Iyo Nathan Ake.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here