Horudhac: Real Betis vs Real Madrid

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa indhaha ku haysa inay gaarto guusheedii ugu horreysay horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan cusub marka ay u farsayaa Magaalada Seville, halkaasoo ay caawa kula ciyaarayaan Naadiga Real Betis.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkan cusub ee 2020-21 ku bilaabatay barbaro goolal la’aan ah oo ay la galeen Real Sociedad bishan September 20-keedii, halka Betis loo diiwaan geliyey labo guul labadeedii kulan ee ugu horreeyey oo ay horyaalka ciyaartay fasal ciyaareedkan, waxaana ay fadhisaa kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti 26 Sebt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Benito Villamarin

Garsooraha: Ricardo De Burgos (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Nabil Fekir ayaa taam u noqon kara inuu ku soo bilowdo weerarka kooxdiisa Betis, kaddib dhaawac jug ah oo soo gaaray kulankii ugu dambeeyey.

Guido Rodriguez iyo William Carvalho waa inay sii wadaan inay khadka dhexe u istaagaan Betis, iyadoo Andres Guardado uusan weli taam buuxa ahayn.

Ma jiri doonaan wax isbadal ah oo kale oo ka imaanaya kooxda martida loo yahay kaddib guulihii is-daba-joogga ahaa ee ay ku bilawdeen xilli ciyaareedkan.

Ferland Mendy ayaa laga doorbidayaa Marcelo daafaca bidix ee kooxda martida ah todobaadkan.

Vinicius Jr iyo Rodrygo ayaa la filayaa inay ku soo bilowdaan safka hore ee kooxda martida ah, inkastoo Eden Hazard uu ku dhow yahay inuu soo laabto kaddib dhaawac canqowga ah oo uu la maqnaa.

Martin Odegaard ayaa laga yaabaa inuu taam u noqdo inuu ku soo bilowdo safka hore, kaddib markii tijaabadii labaad ee la marsiiyey laacibkan reer Norway taasoo ku aaddanayd Korona Fayras laga waayey todobaadkan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Keliya hal ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyey oo labadaan kooxood dhexmaray ayaa ku dhammaaday barbaro.

>- Real Madrid ayaan la garaacin 12-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Saddex ka mid ah shanti kulan ee ugu dambeeyey oo labadaan kooxood ay wada ciyaareen ayaa goolal la iska dhaliyey labada dhinac.

>- Los Blancos ayaa guuleysatay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay booqatay Betis.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here