Afrika oo lagu Ammaanay in ay si wanaagsan u xakamaysay xanuunka COVID-19.

0
299

Baydhabo(Radio Arlaadi)- xakaameynta cudurada Afrika “CDC” ayaa dalalka qaaradda Afrika ku ammaantay qaabka ay uga jawaabeen xakamaynta xanuunka Koroona feyras.

Xarunta oo ah hay’adda 55-ka dal ee Midowga Afrika u qabailsan caafimaadka ayaa sheegtay in marka qaaradaha kale la eego sida dhibaatoyinka uu ugu geystay COVID-19 ay qaaradda Afrika ka yartahay isla markaana la xakameyay saameyntiisa, sidoo kalena dhimashada qaaradda Afrika ay aad u yareyd marka loo barbar dhigo dalalka kale ee dunida.

Tirada dadka uu haleelay xanuunka ee qaaradda Afrika ayaa noqotay 1.4 milyan oo qof, halka dhimashaduna tan iyo bishii February ay gaartay 34,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here