Luis Suarez Oo Si Rasmi Ah Ugu Wareegay Atletico

0
259

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Atletico Madrid ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah Barcelona ugala soo wareegtay weeraryahanka reer  Uruguay ee Luis Suarez oo ay kusoo qaadatay heshiis xor ah oo ay la socdaan lix milyan oo Euro oo ay ku bixin doonto siyaabo kala duwan, kuwaas oo ku xidhnaan doona  bandhiggiisa ciyaartoy ahaan.

Suarez iyo Barcelona ayaa isla in la kansalo qandaraaskii u dhexeeyey ee sannadka ahaa si uu laba sannadood oo heshiis ah ugu tago Atletico Madrid oo uu qalinka ugu duugay qandaraas uu garoonka Estadio Wanda Metropolitano kaga ciyaari doono.

Weeraryahankan ayaa sannadkii mushahar ahaan uga qaadan doona Atletico sagaal milyan oo Euro oo aanay cashuuri la soconin, waxaanu ka hoos shaqayn doonaa tababare Diego Simeone oo raadinayay weeraryahan dilaa ah oo ay u fududahay dhalinta goolashu.

Laacibkan ayaa Atletico u xidhxidhay markii ay Juventus ka gaabisay heshiis ay isaga kula wareegi lahayd oo ay wada-hadalladooduna u socdaan, waxaanay kooxda Talyaanigu ka door-bidday Alvaro Morata oo ay amaah kaga qaadatay Atletico oo iyaduna booska usii sallaxday Suarez oo 283 ciyaarood oo uu u saftay Barcelona ugu soo dhaliyey 198 gool lixdii sannadood ee uu Camp Nou joogay.

Tan iyo markii uu Suarez uga soo wareegay Liverpool sannadkii 2014kii, waxa uu Barcelona kula guuleystay afar horyaal oo LaLiga ah, hal Champions League, afar Copa del Rey, hal UEFA Super Cup, hal Club World Cup iyo laba Spanish Super Cup ah, halka uu isaguna abaal-marinta gool-dhalinta ee Pichichi Trophy uu gacanta ku dhigay.

Waayihiisii quruxda badnaa ee uu Barcelona la qaatay waxa ka mid ahaa sannadkii 2015kii oo ay Champions League ku garaaceen Manchester City iyo PSG kulamo uu isagu si shaqsi ah wacdaro u dhigay oo uu dhaliyey goolal waalli ahaa oo afar gool iyo afar caawimood ahaa; 11 gool oo uu ka dhaliyey Real Madrid oo ay ku jireen saddexlaydii sannadkii 2018kii, rikoodhihii uu qaabka ka xaday Johan Cruyffn ee Neymar ay wada qaateen iyo cidhibtii taariikhda gashay ee uu goolka kaga dhaliyey Real Mallorca.

Nasiib-darro, waqtigiisii ugu murugada badnaa waxa uu ahaa ciyaartii wareegga siddeeda Champions League ee xili ciyaareedkii hore ay Bayern Munich ku karbaashtay 8-2 oo isaga oo madaxa foorarinaya uu garoonka ka baxay, taas oo noqotay kulankii ugu dambeeyey ee uu Blaugrana u safto.

Inkasta oo 36 ciyaarood oo uu saftay uu dhaliyey 21 gool oo aanay ahayn rikoodh xun, haddana waxa xili ciyaareedkan ugu dambeeyey uu ahaa mid ay dhaawacyo ruxeen oo uu awoodi waayey inuu waqti fiican u helo inuu kusoo bandhigo hibadiisa.

Bixitaanka Suarez ayaa uga dhigan tababare Ronald Koeman oo ahaa qofkii ku qasbay Suarez inuu iska tago, in hadda uu iska garab ciyaarsiiyo Antoine Griezmann iyo Ousmane Dembele oo dhaawacyada u nugul, kuwaas oo afka hore la wadaagi doona Lionel Messi. Laakiin beddelka Suarez ayaanay haddana ka qanacsanayn oo ay u doonayaan inuu noqdo Lautaro Martinez oo reer Argentina ah, ayna kooxdiisa Inter Milan diiddan tahay inuu ka tago.

Xiddigii ugu dambeeyey ee Atletico ay kala soo wareegtay Barcelona

Weeraryahanka haysta rikoodhka gool-dhalinta xulka qaranka Spain ee David Villa ayuu ahaa ciyaartoygii ugu dambeeyey ee Atletico Madrid ay kala soo wareegtay Barcelona sannadkii 2013kii, waxaanay kusoo qaadatay lacag dhan 2.1 milyan Euro iyo saddex milyan oo kale oo ku xidhnaa bandhiggiisa.

Xili ciyaareed kaliya oo uu joogay, 47 ciyaarood oo uu saftay, waxa uu Villa ugu dhaliyey Atletico 15 gool iyo shan caawimood oo uu sameeyey iyadoo ay si fiican u wada shaqeeyeen Diego Costa.

Dhamaadkii xili ciyaareedkaas, waxa uu David Villa dib ugu laabtay garoonka Camp Nou oo ay Barcelona kusoo garaaceen, isla markaana horyaalka LaLiga ku guuleysteen isla garoonkaas dhexdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here