Midowga Yurub oo dejinaya qorshe ku aaddan dadka magan-galyo doonka ah

0
254

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Shan sano kaddib dhibaatada Yurub ee muhaajiriinta ayaa wali taagan, Brussels waxay soo jeedin doontaa Arbacada maanta ah in dowladaha xubnaha ka ah ay wadaagaan mas’uuliyadda magangelyo-doonka iyada oo loo marayo “qaab midnimo oo qasab ah”.

Laakiin waxay caro ka dhalan kartaa dalal ay ka mid tahay Austria oo Ra’iisul wasaaraheeda Sebastian Kurz uu ka digay isku day kasta oo lagu qasbayo wadamada EU in ay soo galaan muhaajiriinta.

Heshiiska cusub ee socdaalka iyo magangalyada waxaa daaha ka qaadi doona Wakiilka Yurub ee Arimaha Gudaha Ylva Johansson iyo Madaxweyne ku xigeenka Komishanka Margaritis Schinas.

Mss Johansson ayaa doonaysa in 27-ka dal ee xubnaha ka ah ay ka go’an tahay inay la wadaagaan culeyska wax ka qabashada sheegashada magangalyada ee ka imanaya muhaajiriinta imanaya xeebaha Midowga Yurub.

Qorshuhu wuxuu qasab ka dhigayaa in la muujiyo midnimo dhammaan dalalka EU-da ee safka hore – badanaa waa in lala wadaagaa culeyska Griiga, Talyaaniga ama Malta – waa qasab marka cadaadis kala kulmaan dadka imanaya ayey rumeysanyihiin in ay gacan ka helaan dhanka midowga Yurub.

Tallaabadan ayaa la filayaa in ay dalalka qaar ee qaaradda Yurub ka khafiifiso dhibka ka heysta muhaajiriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here