Kevin De Bruyne Oo Kooxdiisa U Sheegay Halka Wado Ee Ay Liverpool Uga Qaadi Karto Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

0
290

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City Kevin De Bruyne ayaa aaminsan in ay kooxdiisu u baahantahay in ay si fiican ku bilaabato xilli ciyaareedka hadii ay doonayaan in ay Liverpool ka qaadaan horyaalka.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhaliyay gool kulankii ay Man City 3/1 uga badisay kooxda Wolves Isniintii kulan ka tirsanaa horyaalka.

“Hadii tartanka horyaalku noqdo sidii sanadihii hore way adkaan doontaa in aan ku guulaysan, waxa aan doonaynaa in aan la dagaalno Liverpool waana wax ay kubadu ka koobantahay”.

“Kaliya waxa aan u baahanahay in aan si fiican ku bilaabano kulamada ugu horeeya”.

“Waxa naga maqan xiddigo kooxda ah, waxa aan ciyaari doonaa kulan walba”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here