Meydadka Dad ay Dooni Kula Qallibantay Webi Ku Yaalla Yugaandha oo la Helay

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Ciidamada birmadka dalka Yugaandha ayaa sheegay in ay heleen qaar ka mid ah meydadka dad ay dooni kula qallibantay wabiga Sezibwa ee bartamaha dalkaas.

Afhayeenka ciidamada booliska Yugaandha, Hellen Butoto oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ciidamadu ay heleen meydadka lix qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa dooni ku qallibantay Sezibwa.

Butoto ayaa sheegtay in dadka doonidaasi ku geeriyooday ay ka mid yihiin hooyo iyo canuggeeda oo hal sano jira.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada boolisku ay ku guuleysteen in ay soo badbaadiyaan saddex qof oo dabaal maciin biday geedaha dushoodana saarnaa.

Sargaal ku sugan deegaanka uu shilkan ka dhacay ayaa sheegay in maamullada deegaanka oo iska indha tiro bedqabka dadweynaha iyo doomaha ay adeegsadaan ay qeyb ka tahay shilalka noocan ah.

Yugaandha ayaa lagu eedeeyaa in ay ka gaabisay dhisidda ciidamada kala haga socdaallada wabiyada, kuwaa oo qeyb weyn ka qaadan lahaa badbaadada dadka ku socdaala wabiyada iyo harooyinka dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here