Liverpool oo 10 xiddig oo Chelsea ah uga ad-kaatay garoonkeeda Stamford Bridge

0
272

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa sii wadata guulaheeda xiriirka ah ee horyaalka, waxaana ay kabadisay Chelsea oo laga qaatay kaarka cas, taasoo ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan.

Kulankan oo ahaa mid adag ayaa qeybta hore gool la iska dhalin waayey, inkastoo kaarka cas la tusay Andreas Christensen dhammaadkii qeybtii koowaad ee ciyaarta, kaddib markii uu jilaafay Mane.

Kulanka ayaana lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Sadio Mane ayaa shabaqa soo taabtay oo daah furay goolasha kooxda martida ahayd ee Reds, waxaana uu madax ku dhammaystiray daqiiqaddii 50’aad kubbad ay si wacan uga soo shaqeeyeen Salah iyo Firmino, taasoo uu soo karoosay xiddiga reer Brazil, Blues ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Afar daqiiqo kaddibna Liverpool ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereysay waxaana markale shabaqa soo taabtay 54’daqiiqo Sadio Mane, kaddib markii uu ka faa’iideystay kubbad uu qaladkeeda lahaa goolhayaha Chelsea ee Kepa Arrizabalaga, kulanka ayaana sidaas ku noqday Liverpool oo 2-0 ku gacan sarreysay.

Mane ayaana sidaas ku noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Chelsea garoonkeeda labo gool kaga dhaliya tan iyo markii uu xilka tababarenimo ee kooxdaas la wareegay Lampard.

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa rigoore laga dhigay kaddib markii Werner oo si wanaagsan u galay xerada ganaaxa uu gadaal kaga dhacay Thiago Alcantara oo ordaya, laakiin waxaa gool ku laadkaas ka lumiyey 75’daqiiqo Jorginho oo inta badan aan rigoorada laga qaban jirin balse markaan waxaa caawa ka badbaadiyey goolhaye Alisson Becker.

Kulanka oo noqon karay 2-1 haddii uu rigooradaas dhalin lahaa Jorginho ayaa sii ahaaday 2-0 weli looga gacan sarreeyey kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Inkastoo fursado goolal loo filan karay ay labada dhinac abuureen qeybtii dambe ee ciyaarta haddana kulanka ayaa ku soo dhammaaday 2-0 lagu dubtay kooxda uu hoggaamiyo tababare Lampard oo lacago badan suuqa ku bixisay xagaagan.

Image

Image

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here