WHO oo Tijaabo Marsiinaysa Dawo Dhireedka Afrika ee Lagu Dabiibo COVID-19

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in ay dejisay xeer tijaabooyin lagu marsiinayo qaar ka mid ah daawo dhireedda Afrika oo ay suuragal tahay in ay dawo u noqoto xanuunka COVID19.

Xafiis goboleedka hay’addu ku leedahay congo Brazzaville ayaa soo saaray qoraal uu ku caddeynayo oggolaansho uu siiyay tijaabooyin lagu sameeyo qaar ka mid ah dhirta Afrika oo laga yaabo in ay dawo u noqoto xanuunka Koroona.

Tallaabadan ay hay’addu qaaday ayaa timi xilli dunida ay ka socdaan tijaabooyinka iyo horumarinta ku dhawaad 140 tallaal oo ka socda dacallada dunida.

Bayaanka hay’adda ayaa lagu xusay in tallaal walba oo ka soo baxa tijaaboyinka dhirta lana hubiyo badqabkooda la horumarin doono.

Halbeegga kaliya ee dawo dhaqameedka ayay hay’addu ku jaangoysay in uu noqdo baaritaan cilmiyeysan oo sugan.

Dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha Madagascar Andrea Rajolina, uu warbaahinta ka sheegay in dalkiisa laga helo dawo dhireed lagu dabiibi karo xanuunka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here