Isbeyn oo COVID-19 awgii markale xayiraado u soo rogtay

0
269

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hoggaamiyaha gobolka ay ka tirsantahay caasimada Isbeynee Madrid ayaa amar ku bixisay in laga billaabo Isniinta xayiraad lagu soo rogo meelaha ay ku noolyihiin dadka ugu saboolsan magaalada iyo duleedkeeda oo ay ku nool yihiin ilaa 850,000 oo qof, kadib markii ay ku soo bateen dad qaba COVID-19.

Hoggaamiyaha gobolka Isabel Diaz Ayuso ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqa laga joojin doono lix degmo oo u dhow Madrid , laakiin dadku awood u yeelan doonaan inay shaqo tagaan .

Dadka ku nool degmooyinka faqriga ah ee u dhow Madrid ayaa horay u sheegay inay dareemeen in laga aamusay, balse xayiraadaha cusub ay xaddidayaan daqligi soo geli jiray.

Ku dhawaaqista kadib, dhowr boqol oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay xafiisyada dowladda ee Madrid horteeda si ay uga dalbadaan Ayuso in ay shaqada ka tagto.

“Xarumaha caafimaadku waxay ka buuxaan koofurta magaalada waxbana laguma qaban,” ayay tiri Rosa Baras oo hoggaamineysay mudaharaadayaasha.

Ayuso, oo la kulantay dhaleeceyno waaweyn ayaa sheegtay toddobaadkan “qaab nololeedka muhaajiriinta” ayey qeyb ahaan eedda dusha ka saartay kororka kiisaska, waxa ay tiri aagagaa loo doortay xayiraadda ayaa ah meelaha hadda ugu badan ee uu ku faafyo feyraska.

Ku dhowaad 30,500 oo qof ayaa Isbeyn ugu geeryootay cudurka COVID-19

“Waxaan u baahannahay inaan iska ilaalinno xayiraadaha, waxaan u baahanahay inaan iska ilaalino aafada dhaqaale, balse tani waa lama huraan” ayey tiri Ayuso oo shir jaraa’id qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here