Liverpool oo shaacisay inay dhameystirtay heshiiska Thiago Alcantara

0
254

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay inay la soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Thiago Alcantara, kaasoo kaga soo biiray naadiga Bayern Munich.

Liverpool ayaa war rasmi ah ku daabacday website-keeda rasmiga ah iyo dhamaan goggageeda baraha bulshada sida, Facebook, Twitter, waxay ku xaqiijisay inay dhameystirtay heshiiska Thiago Alcantara.

Liverpool ayaa kala heshiisay Bayern Munich inay bixiso lacag gaareysa 20 million pounds, waana qiimo ka yar intii ay mar hore codsatay kooxda Bavarian-ka.

Thiago ayaa xiran doona maaliyada lambarka 6-aad uu ku qaadan jiray kooxda Bayern Munich.

Thiago Alcantara ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu saxiixay qandaraaskiisa cusub ee kooxda Liverpool, wuxuuna yiri:

“Marka ay sanado ay ku dhaafaan, waxaad isku dayeysaa inaad ku guuleysato sida ugu macquulsan, marka aad guuleysatana waxaad dooneysaa inaad waxbadan guuleysato”.

“Waxaan u maleynayaa in kooxdani ay sharraxayso cidda aan ahay sidoo kale”.

“Waxaan rabaa inaan gaaro himilooyinka oo dhan oo aan guuleysto inta ugu badan ee suurtagal ah”.

“Liverpool waxay leedahay nooc la mid ah dareenka aan u baahanahay, sababtoo ah waxaan jecelnahay inaan xiriir aad u dhow la yeelano kooxda, waxaana u maleynayaa inaan tani dareemi doono”.

“Waa inaan la qabsadaa kooxda sida ugu dhaqsiyaha badan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here