Musiibada COVID-19 oo aamusisay dabbaal-degyada xorriyadda dalka Mexico

0
216

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dabbaal-degyada 16-ka Sebteembar ee maalinta xorriyadda Mexico waxaa loo bedelay mid aamusnaan ah oo ma aysan dhicin gaardiskii dheeraa oo ay milatarigu sameyn jireen sababo la xiriira aafada CVID-19 ee ku habsatay caalamka.

Xafladda waxaa hareeyay abaal-marinnada rayidka, kuwaas oo sannadkan gabi ahaanba laga safay Golaha Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Mexico, 58 ruux oo isugu jira Dhakhaatiir, Kalkaaliyeyaal iyo adeegayaal kale oo dhanka caafimaadka, maadaama ay la taacalaayeen xanuunka Covid-19 oo dalkaas si ba’an u aafeeyay.

Maalinta Xorriyadda Mexico waxa ay astaan u tahay halgan xornimo doon ahaa oo dalkaas ka socday intii u dhaxeysay 1810 ilaa 1821 oo ay la dirirayeen Isbeyn si ay xorriyaddooda uga helaan.

Habeennadii Talaadada iyo Arbacada waxaa jiray dabbaaldeg kooban oo ay Milatarigu ku sameeyeen fagaaraha weyn ee Mexico City, waxaana aad loo xaddiday daawadayaasha bandhiggaas si looga baaqsado khatar hor le oo ka dhalata COVID-19.

Mexico waxaa la soo darsay in kabadan 676,000 xaaladood oo Koroona feyras ah iyo dhimashada ku dhowaad 72,000 oo ruux waana dalka afaraad ee uu ugu saameynta badanyahay COVID-19 caalamka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here