Timo Werner oo shaaca ka qaaday sababta uu u doorbiday inuu u ciyaaro Chelsea marka loo eego Liverpool

0
241

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga reer Germany iyo kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa shaaca ka qaaday sababaha uu u doorbiday inuu u ciyaaro Blues halkii uu ku biiri lahaa Liverpool.

Hadalka Timo Werner ayaa yimid kaddib shir jaraa’id uu ka soo muuqday maanta oo Arbaco ah, kahor kulanka Chelsea iyo Liverpool ee Axada soo socota, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Markii aan go’aansaday inaan ka tago RB Leipzig, waxaan la hadlay kooxo kala duwan, sida Liverpool, oo heysata ciyaartooy aad u fiican”.

“Laakiin ugu dambeyntii waxaan go’aansaday inaan ku biiro kooxda         Chelsea, kaliya maahan qaabka ay kubadda cagta u ciyaaraan, balse sidoo kale sababta ayaa waxay tahay waxa ay i tusiyeen”.

“Waan jeclaa inaan ka ciyaaro RB Leipzig, laakiin waxay ahayd mid aad muhiim iigu ah inaan imaado koox leh aragti ku habboon habka aan u ciyaaro kubadda cagta, dhamaan Premier League-ga waxay u ciyaaraan sida aan u ciyaaro oo kale”.

Si kastaba ha noqotee, Timo Werner ayaa waxaa soo jiitay doorka uu ka ciyaaray Frank Lampard imaatinkiisa kooxda Chelsea, isagoo ka dhaadhiciyay inuu ku biiro Blues, wuxuuna sharxay in Lampard uu si joogta ah kala soo xiriiri jiray taleefankiisa, si uu ugu qanciyo imaatinka garoonka dhaca Galbeedka London ee Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here