Horudhac: Brighton & Hove Albion vs Chelsea

0
338

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha Brighton & Hove Albion iyo Chelsea ayaa ku hardami doona garoonka Amex Stadium caawa oo Isniin ah, labada kooxood ayaana eegaya inay mid waliba ay guul ku bilaabato horyaalka Premier League.

Blues ayaa booska afaraad kala baxday kooxda Leicester City xilli ciyaareedkii hore, halka the Seagulls ay ku dhammaysatay kaalinta 15-aad ee kala sarreynta horyaalka.

Kooxda ka dhisan galbeeda Magaalada London ee Chelsea ayaa caawa tijaabadsanaysa inta ugu badan saxiixyadeeda cusub, Jamaahiirta Blues ayaana filaya in saxiixyadooda cusub si wacan ku bilaaban doonaan kal ciyaareedkan cusub.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Isniin 14 Sebt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: The American Express Community Stadium

Garsooraha: Craig Pawson (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here