Daraasad lagu ogaaday inuu cudurka COVID-19 uu waxyeeleeyo maskaxda dhallinyarada.

0
252

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dhallinyarada da’doodu u dhaxeeyso 32 jir ilaa 18 ayaa ah kuwa ugu badan ee ka cabanaya xanuunnada maskaxda saameeya sida niyad-jabka iyo walaaca oo ay isku arkeen 4 tii bilood ee dadku guryahooda ku jireen si looga baaqsado feyraska sida dhaqsaha ah ku faafa ee karoona.

Ra’yi uruurintu waxa ay xustay in dadka Mareykanka ah ee da’doodu u dhaxeyso 24 ilaa 18 jir ay 56% ka cabanayaan xanuunnada maskaxda oo ay ka dhaxleen feyraska, marka lala barbardhigo 56% dadka waayeelka ah oo ay aad u waangsantahay maskaxdooda.

Inta lagu guda jiray aafada Covid-19 dhallinyaradu waxa ay wajaheen xaalad kala guur oo dhanka nolosha ah, qaar ayaa hankoodu ahaa in ay bilaabaan waxbarasho heerar kala duwan ah halka qaarna ay ku fikirayeen in ay qoysas yagleelaan oo ay guursadaan, waxaa jira kuwo iyagu markaas uun qaan-gaaray oo la koowsaday xaalad dhaqaale xumo, taas oo sababteeda uu leeyahay Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here