Horudhac: Fulham vs Arsenal

0
379

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa kulankeeda furitaanka horyaalka Premier League kal ciyaareedkan 2020-21 waxa ay u safreysa maanta naadiga kala dhisan Magaalada London ee Fulham.

Gunners ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku soo gabagabaysay iyadoo ku soo guuleysatay tartanka FA Cup-ka, halka Fulham ay ku cusub tahay horyaalka Premier League oo ay ka soo dalacday horyaalka heerka hoose ee Championship-ka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Sabti 12 Sebt 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 02:30 Duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Craven Cottage

Garsooraha: Chris Kavanagh (England)

Wararka Kooxaha:-

Tababare Scott Parker ayaan soo warin wax dhaawac ah oo uu qabo ka hor inta aysan Fulham ku soo laaban Premier League, iyadoo xiddiga amaahda ah ee Alphonse Areola uu safan karo kulankiisii ugu horreeyay.

Xiddiga yimid suuqii xagaaga ee Mario Lemina ayaa sidoo kale safan kara maanta kulankiisii ugu horreeyay.

Daafaca Kooxda Arsenal ee David Luiz ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo lix toddobaad ah kaddib dhaawac qoorta ah oo ka soo gaaray kulankii Community Shield ee ay ka badiyeen Liverpool

Emile Smith Rowe iyo Sokratis ayaa ku kala maqan dhaawacyo garabka iyo kubka ah siday u kala horreeyaan.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Fool-Ka-Fool

>- Fulham ayaa laga badiyay shantii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay la ciyaareen Kooxda Arsenal.

>- Waxaana laga dhaliyay sagaal gool labadii kulan ee xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay horyaalka Premier League 2018-19.

>- Guuldarrada kaliya ee Arsenal ka soo gaarta 13-kii kulan ee ugu danbeysay Premier League waxa ay ahayd khasaaro 2-1 ah oo ku soo gaartay kulan ka dhacday garoonka Craven Cottage bishii Janaayo ee 2012-kii.

>- Labadan kooxood ayaa kulmay hal jeer maalintii furitaanka xilli ciyaareedka, iyadoo Gunners ay soo laabasho sameysay isla markaana ay ku adkaaday 2-1 sanadkii 2007-dii.

>- Fulham ayaa ku dhammaystay kaalinta19-aad waana ay ka laabatay horyaalka Premier League labadeedii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey ee 2013-14 iyo 2018-19, waxaana laga dhaliyey goolasha ugu badan labadaas xilli ciyaareed.

>- Waxay lumiyeen oo ay guuldarrooyin la kulmeen kulankoodii furitaanka xilli ciyaareedyo isku xigay: 2-0 oo ay Crystal Palace ku garaaceen xilli ciyaareedkii 2018-19 iyo 1-0 guuldarro ah oo ay kala  kulmeen Barnsley sanadkii hore.

>- Arsenal ayaa dooneysa inay guuleysato kulankeeda furitaanka xilli ciyaareedyo xiriir ah markii ugu horreysay muddo 11 sano ah.

>- Arsenal ayaa durbaba ku guuleysatay labo koob 29-kii kulan ee ay ka soo ciyaartay Mikel Arteta, waana FA Cup iyo Community Shield.

>- Waxa ay dhaliyeen 56 gool oo Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waana heerkoodii gooldhalineed ee ugu hooseeyey tan iyo kal ciyaareedkii 1995-96.

>- Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay 54 gool 85 kulan oo uu saftay Premier League tan iyo markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyay ee bishii Febraayo 2018.

>- Arsenal ayaa guuleystay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Fulham tartammada oo dhan.

>- Gunners ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ka hortagtay Kooxda Fulham dhammaan tartammada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here