xayawaankan khilaafka ka dhex abuuray gobolka ka tirsan Australia

0
265

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Gobolka New South Wales (NSW) ee dalka Australia ayaa waxa ka taagan dhibaato la xiriirta muran ka dhashay sharci lagu ilaalinayo badqabka xayawaankan oo loo yaqaano koalas.

Xisbiga qaranka ayaa sheegay inaysan taageeri doonin baarlamaanka dowladda kaddib markii ay ka hor yimaadeen sharcigan cusub oo ilaalinaya xuquuqda xayawaankan.

Balse hoggaamiye ku xigeenka xisbiga John Barilaro, ayaa yiri “kama soo horjeedna sharcigan.”

Wuxuuna sheegay in xildhibaanada ka soo hor jeeda sharcigan aysan aqalka baarlamaanka ee gobolka fadhiisan doonin.

Muranka ka taagan ansixinta sharcigan lagu ilaalinayo xayawaankan ayaa xisbiyada gobolka ka dhex abuuray xiisad.

Qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha xayaawanada ayaa ku doodaya in sharciyada hadda jira uusan ahayn mid ilaalinaya xuquuqda iyo badqabka xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here