Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Thiago Alcantara

0
267

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Liverpool ayaa talaabo muhiim ah u qaaday baacsigii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern munich ee Thiago Alcantara sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa kooxda Bayern Munich miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 25 milyan oo euro kaas oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara.

Laakiin Bayern Munich ayaa wali doonayso lacag 30 milyan ah hadii ay doonayso in ay iibiso xiddiga khadka dhexe ee reer Spain.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa Bayern Munich u sheegtay in ayna hal milyan ku dari doonin dalabkaas waliba dalabkaas yahay midkoodii ugu dambeeyay.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa heshiis Rasmi ah la gaadhay xiddiga Thiago Alcantara kaas oo ogolaaday in uu ku biiro Anfield.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay Liverpool dhigeeda Bayern Munich u sheegtay in ay qaadato 25 milayn hadii kale ay diyaar u yihiin in ay xagaaga dambe si xor ah ku helaan xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here