Barcelona Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furtay Arsenal.

0
240

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo ku saabsan saxiixa Hector Bellerin la yeelatay agaasimaha Farsamada kooxda Arsenal ee Edu sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay hesho lacag ay ku xoojiso kooxda xagaagan waxana la sheegayaa in ay maamulka kooxdu diyaar u yihiin in ay iska iibiyaan xiddiga Hector Bellerin ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaagan.

25 jirkaan ayaa haatanba xiiso ka helaya kooxaha kooxaha Paris Saint-Germain iyo Bayer Leverkusen.

Laakiin wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona haatanba wadahadalo la qaadatay Arsenal si ay u hesho saxiixa Bellerin iyaga oo la hadlay Agaasimaha farsamada ee Edu.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal Barcelona u sheegtay in ay iibinayaan Hector Bellerin hadii ay hesho dalab lacageed oo u dhexeeya 20 ilaa 25 milyan oo euro.

Laakiin Barcelona ayaa marka hore doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Nelson Semedo si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Hector Bellerin xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here