Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Lyon ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal ka diiday dalab cusub oo lacag iyo waliba xiddig ah si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar.
Xiddiga reer France ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee u soo kacaya kubada cagta isaga oo wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Qaab ciyaareedka cajiibja ah ee xiddiga 22 jirka ah ayaa keenay in uu xiiso ka helo kooxaha Man City iyo Juventus.
Si kasta ha ahaatee wargayska RMC Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Arsenal ayaa miiska u saartay kooxda Lyo dalab lacageed oo dhan 31.2 milyan euro iyo xiddig aan la magacaabin cida uu yahay.
Laakiin Lyon ayaa si deg-deg ah u diiday dalabkaas una sheegtay in ay Miiska saarto lacag dhan 60 milyan oo euro.