Boqolaal kun oo qof oo ka qaxaya duufaan ku wajahan galbeedka dalka Japan

0
300

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Inka badan 200 oo kun oo qof ayay dawlada Japan amartay inay kaqaxaan magaalooyinka ay degenyihiin oo ku yaala dalkaas Japan oo ay ku wajahantahay duufaan xoog leh.

Amar dawlada kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dadka degen magaalooyinka xeebaha ku yaala ay feejignaan dheerad ah muujiyaan.

Duufaantaan oo la filayo in maanta ku gaarto dhawr magaalo oo dalka Japan ku yaala oo loo baxs ayhay Haysheen ayaa saacadiiba jaraysa masaafo dhan 160 km.

Inta badan diyaaradihii tagi lahaa caasimada ayaa la baajiyay waxaana sidoo kale halad la geliyay gadiidka gudaha ka shaqeeya oo ay tareenadu ka mid yihiin.

Waaxda saadaasha Japan waxay sheegeen in duufaantaan oo uu roob la socdo in birri la filayo inay u gudubto dhanka dalka Kuuriyadda Koofureed.

Xaalad deg deg ah ayaa la geliyay galbeedka dalka Japan waxaana la xitay dhamaan xarumihii waxbarashada iyo ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here