Kooxda Chelsea oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska Kai Havertz

0
383

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Chelsea ayaa xaqiijiyay inay dhameystirtay heshiiska Kai Havertz, kaasoo ay naadiga Bayer Leverkusen kaga soo qaateen adduun lacageed dhan £89million, isagoo qalinka ugu duugay heshiis 5 sanadood ah.

Waxa uu noqday saxiixii lixaad oo weyn oo ay Blues ka sameysay suuqan xagaaga, taasoo wadar ahaan qarash gareysay ilaa iyo hadda £230million.

Imaatinkiisa ayaa ka dhigtay 21 jirkan inuu ku biiro ciyaartoyda ugu qaalisan abid oo ay la saxiixato koox British, isagoo raacaya Paul Pogba, kaasoo ku biiray kooxda Manchester United sanadkii 2016.

Rikoodhka suuqa kala iibsiga ee ingiriiska ayaa ah £145m, kaasoo Liverpool ay ka heshay Barcelona oo kala wareegtay Philippe Coutinho.

Kai Havertz ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahanka Jarmarlka ah ee ugu qaalisan taariikhda, sidoo kale saxiixiisa ayaa ka dhigtay inuu noqdo xiddiga ugu qaalisan ay la soo saxiixatay Chelsea, isagoo ka sara maray Kepa Arrizabalaga, oo Blues ay kula soo saxiixatay £72m, kaasoo hadda ku dhow inuu ka tago kooxda.

Hakim Ziyech iyo Timo Werner ayey Chelsea xaqiijisay inay la soo saxiixatay kahor inta aanan suuqa la furin, xiddiga xulka Morocco ayey Blues kaga soo qaadatay Ajax £38million, halka weeraryahanka reer Germany ee Werner uu kaga soo dhaqaaqay RB Leipzig qiimo dhan £53m.

Malang Sarr iyo Thiago Silva ayey ku soo qaateen beeca xurta ah, halka Ben Chilwell uu sidoo kale kaga soo biiray £50m dhanka kooxda Leicester City.

Kooxda tababare Frank Lampard ayaa kulankooda ugu horreeya ee furitaanka horyaalka Premier League, waxay booqan doonaan Isniin September 14, naadiga kubadda cagta ee Brighton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here