50kii Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Ingiriiska Oo La Shaaciyey

0
334

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Sir Bobby Charlton ayaa loo magacaabay xiddigii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta Britain, waxaanu ku garaacay halyeygii kubadda xarragada ee Bobby Moore oo kaalinta labaad u degay.

Sir Bobby Charlton oo ay da’diisu tahay 82 jir, waxa uu ku suntan yahay taariikhda kooxdiisa iyo qarankiisa oo uu guulo waaweyn la gaadhay. Muddo 17 sannadood ah oo uu Man United u ciyaarayay, waxa uu ku guuleystay saddex horyaal, FA Cup iyo European Cup. Sidoo kale waxa kale oo uu gacanta ku dhigay waqtigii uu garoomada shidan jiray abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Halyeygan Red Devils, waxa kale oo uu dalkiisa England u qaaday Koobka Adduunka sannadkii 1966kii isaga oo ahaa dhaliye, kubbad abuure iyo hoggaamiyahooda.

Laacibkan gaboobay ayaa muddo dheer ahaa ciyaartoyga ugu gool-dhalinta badan taariikhda kooxda Manchester United illaa uu Wayne Rooney ka jabinayay.

Jamaahiirta kubadda cagta Boqortooyada Britain ayaa afti laga qaaday waxay kusoo doorteen 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa waddankooda, waxaana kaalinta labaad soo cidhiidhsaday Bobby Moore, iyadoo uu halyeygii Liverpool ee Stefan Gerrard uu kaalinta saddexaad fadhiistay.

Halkan ka akhriso 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan taariikhda Britain ee ay jamaahiirtu soo xusheen:

50. Adam Lallana

49. Alex Scott

48. Harry Kane

47. Paul Gascoigne

46. Barry Venison

45. Sol Campbell

44. Neil Ruddock

43. Bob Paisley

42. Alun Evans

41. Matt Le Tissier

40. Alec Lindsay

39. Rob Jones

38. Alan Waddle

37. Arthur Goddard

36. Andy Cole

35. Albert Stubbins

34. Emile Heskey

33. Brian Hall

32. Jamie Redknapp

31. Bill Foulkes

30. Cliff Bastin

29. Chris Waddle

28. Alan Kennedy

27. Billy Wright

26. Gary Neville

25. Ashley Cole

24. John Terry

23. Bryan Robson

22. Peter Crouch

21. Steve McManaman

20. Geoff Hurst

19. Jamie Carragher

18. Dixie Dean

17. Rio Ferdinand

16. Peter Shilton

15. Tom Finney

14. Gary Lineker

13. Michael Owen

12. Jimmy Greaves

11. Kevin Keegan

10. Wayne Rooney

9. Paul Scholes

8. Stanley Matthews

7. Alan Shearer

6. Frank Lampard

5. Gordon Banks

4. David Beckham

3. Steven Gerrard

2. Bobby Moore

1. Bobby Charlton

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here