Dowladda Kenya oo baareysa lacago loogu talo galay COVID-19 oo la musuqmaasuqay.

0
329

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa amray wasaaradda caafimaadka inay soo daabacdo dhammaan caddeymaha la xiriira sida ay dowladdu wax uga qabatay xanuunka Covid-19.

Dokumentiyada la soo daabacayo waa kuwa ay hayso Hay`adda Gaarsiinta Dawooyinka (Kemsa) ee ay dowladdu maamusho.

Amarka madaxweynaha ayaa jawaab u ah wararka sheegaya in si khaldan loo isticmaalay lacagaha deeqda ee loogu talogalay wax ka qabashada coronavirus.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa bilaabay baaritaan ay ku hayaan eedeymahaas.

Madaxa Kemsa ayaa toddobaadkii hore u sheegay baarlamaanka in amarka sida deeqdaasi loo isticmaalayo uu ka yimid Wasiirka Caafimaadka Mutahi Kagwe iyo xoghayaha wasaaradda Susan Mochache.

Wasiirka iyo xoghayaha ayaase beeniyay inay wax khalad ah sameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here