Lionel Messi Oo Helay Wado U Fududaynaysa In Uu Ka Tago Barcelona

0
346

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Idaacada Radio Catalonia ayaa sheegaysa in uu xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iska diiday in uu maalinta Isniinta soo xaadiro tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xiddigaha Barcelona ayaa maalinta Isniinta iman doona garoonka tababarka si looga qaado baadhitaanka xanuunka Korona ka hor inta ayna bilaaban isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Messi ayaa wakiiladiisa u adeegsaday una sheegay kooxda Barcelona in uuna soo xaadiri doonin tababarka kooxda ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Arintan ayaa imanaysa maalmo ka dib markii uu Lionel Messi maamulka kooxdiisa u gudbiyay warqada bixitaanka.

Maamulka Barcelona ayaa ilaa haatan ku adkaysanaya in uuna xiddigu iib ahayn ilaa ay kooxda doonaysa saxiixiisu bixiso lacagta 700 milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Sidaas darteed Lionel Messi ayaa qaaday talaabada uu ku diidayo tababarka si uu kooxdiisa ugu qasbo in ay ogolaato in uu si xor ah uga tago kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here