Bukaanno buuxdhaafiyay xaruunta lagu dabiibo dadka qaba fayraska karona ee Itoobiya

0
276

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Saraakisha xarunta ugu wayn ee lagu dabiibo dadka uu soo ritay feyriska Corona ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegeen in xaruntaasi ay buuxsamayso sababa la xiriira kiisaska fayraska karona oo sare u kacay.

Saraakiisha caafimaadka dalkaasi ayaa sidoo kale waxay sheegeen in bukaanno cusub aysan imika qaabili Karin.

Agaasimaha xarunta Millennium Hall’s medical Dr Wuletaw Chanie ayaa BBC-da u sheegay in qeybta la dhigo dadka xaaladoodu ay culus tahay ama u baahan qalabka neefsashada ay imika qarka u saaran tahay iney buuxsanto.

Dr Chanie ayaa sheegay in xaruntan lagu daweeyo dadka uu ku dhaco feyriska Corona ay buuxsami doonto muddo toddobaad gudihiis ah, islamarkana aysan qaabili Karin bukaannada cusub ee u baahan qeybta xaaladaha culus, sida kuwa u baahan qalabka neefsashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here