Neymar Jr oo kahadlay kaddib guuldarradii ka soo gaartay kooxda Bayern Munich.

0
379

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa saameyn weyn ku yeelatay guuldarradii ka soo gaartay naadiga Bayern Munich ciyaartii finalka aheyd ee tartanka Champions League.

Neymar Jr ayaa kaddib markii ay ciyaarta dhamaatay waxaa la arkayay isagoo murugeysan isla markaana ooynaya, wuxuuna u muuqday mid ka murugeysnaa guuldarrada xanuunka badneyd ay kala kulmeen kooxda reer Germany ee Bayern Munich.

Bayern Munich ayaa markeedii LIXAAD ee taariikhda ku guuleysatay koobka Champions League, kaddib markii ay guul dirqi ah kaga qaaday kooxda Paris Saint-Germain 0-1, kulankii fiinalka ahaa ee ka dhacay garoonka The Estadio da Luz.

Neymar da Silva ayaa doonayay inuu ku guuleysto koobka UEFA Champions League markii labaad ee xirfadiisa kubadda cagta ah, wuxuuna ku guuleystay markii ugu horreysay isagoo xiran maaliyada kooxda Barcelona sanadkii 2015, kaddib markii ay kulankii finalka ahaa 3-1 ku garaaceen naadiga reer Talyaani ee Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here