Xogta & Xaqiiqooyinka Ku Saabsan Finalka Champions League Xilli Ciyaareedka 2019/2020.

0
311

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxaha PSG & Bayern Munich ayaa isaga hor iman doona Finalka tartanka Champions League xilli ciyaareedka 2019/2020 kulan ka dhici doona garoonkka Estadio da Luz.

Kooxda PSG ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo markii ugu horaysay taariikhdooda soo gaadhay Final-ka tartanka champions League iyaga oo isha ku haya koobkoodii ugu horeeyay ee Tartanka.

Dhanka kale kooxda Bayern Munich ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo markii 11-ad Ciyaari doona Finalka champions League ishana ku haya in ay markii 6-aad ku guulaystaan koobka champions League.

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Estadio da Luz.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxaha Bayern Munich & PSG ayaa markii 8-aad isaga hor yimid tartanka champions League gaar ahaan wareega Group-yada iyada oo PSG badisay 5 ka mid ah kulamadaas halka Bayern Munich badisay 3-da kulan ee kale.

Kooxda PSG ayaa gaadhay Finalka tartanka champions League markii ugu horaysay ee taariikhdeeda iyaga oo noqday kooxdii 41-aad ee iska xaadirisay Finalka tartanka 6-dii kooxood ee ugu dambeeyay ee markii ugu horaysay ciyaaraysay Finalka tartanka ayaa guuldaro la kulmay halka kooxdii ugu dambaysay ee tartanka ku guulaystay iyaga oo ciyaarayay markoodii ugu horaysay ciyaaraysa ahayd kooxda Borussia Dortmund sanadkii 1997.

Bayern Munich ayaa markii 11-aad ee taariikhdeeda ciyaari doonta Finalka champions League kaliya kooxda Real Madrid oo 16 jeer iska xaadirisay ayaa ka badan halka ay 5 jeer ku guulaystay waxana ay ka dambeeyaan kooxaha Real Madird (13), Ac Milan (7) Iyo Liverpool (6).

Kooxda PSG ayaa gaadhay kaliya final-kii 3-aad ee UEFA Final Taariikhda iyada oo xilli ciyaareedyada 1995/1996 & 1996/1997.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here