Arsenal Oo Liverpool Ku Cidhiidhinaysa Xiddig Ay Klopp Kaga Dhagantahay

0
279

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Arsenal ayaa Liverpool ku cidhiidhinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich ee Thiago Alcantara inta lagu jiro suuqa xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa xor uga tagi doona kooxda Bayern Munich xagaaga dambe waxana si weyn loo filayaa in uu isgaa tago kooxda inta lagu jiro xagaagan.

Kooxda Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga reer Spain ee dhaliyay 3 gool xilli ciyaareedkan kooxdiisan Final-ka la gaadhay.

Si kasta ha ahaatee wargayska Daily Mail ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Arseanl dhigeeda Bayern Munich wax ka waydiisay helitaanka xiddiga khadka dhexe.

Kooxda Bayern Munich ayaa la sheegayaa in ay dooayso in ay ku iibiso 23 milyan oo euro xiddigii hore ee kooxda Barcelona xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here