WHO oo saadaalisay waqtiga ay rejeynayso in la soo afjaro Covid-19

0
253

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxa hay’adda caafimaadka aduunka ee (WHO) ayaa sheegay in uu rejeynayo in feyriska Corona uu caalamka kaga dhammaan doono wax ka yar 2 sano.

Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ka hadlayay Jimcihii magalada Geneva, ayaa waxaa uu sheegay in Durigii ama hargabkii lagu magacaabi jiray Spanish flu ee caalamka ka dilaacay 1918 ay qaadatay in la soo afjaro muddo 2 sano ah.

Balse waxaa uu sidoo kale intaa ku daray in marka la eego hormarka laga gaaray dhanka tiknoolajiyada ay caalamka u suuragalayso in feyriska lagu joojiyo”muddo kooban “.

“Dabcan maadaama caalamku isku xiran yahay, ayaa waxa uu feyriska fursad u helayaa in uu sii faafo,” ayuu yiri Mr Ghebreyesus.

“Balse sidoo kale, waxaan haysanaa tiknoolajiyad lagu joojin karo iyo aqoon lagu horistaagi karo,” ayuu intaa ku daray.

Hargabkii caalamka ka dilaacay 1918 ayaa waxaa uu dilay ugu yaraan 50 milyan oo qof.

Feyriska Corona ayaa ilaa iyo imika dilay 800,000 oo qof islamarkana waxaa uu cudurka haleelay 22.7 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here