Bayern Munich oo u soo baxday finalka Champions League kaddib markii ay ka adkaatay Kooxaha Lyon

0
330

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Bayern Munich ayaa u soo baxday finalka tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League kaddib markii ay kaga adkaatay kooxda reer France ee Lyon 3-0, kulankii wareega afar dhamaadka ee tartanka kooxaha qaarada Yurub.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda laga yaaban yahay ee Bayern Munich.

Daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta kooxda Bayern Munich ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Serge Gnabry oo kubad uu si qurux badan kaga soo shaqeeyay dhex dhigay shabaqa naadiga Lyon.

Markale daqiiqadii 33-aad Serge Gnabry ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Bayern Munich, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Robert Lewandowski.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 88-aad kooxda Bayern Munich ayaa dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, waxaana 3-0 ka dhigay Robert Lewandowski, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Joshua Kimmich.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-0 ay kaga adkaatay Bayern Munich kooxda Lyon, waxayna kooxda reer Germany sidaas isaga xaadirisay finalka tartanka UEFA Champions League, iyagoo kula ciyaari doona Paris Saint-Germain oo xalay ka soo adkaatay RB Leipzig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here