Kooxda Sevilla oo iska xaadirisay finalka Europa League

0
240

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Sevilla ayaa iska xaadirisay finalka Europa League kaddib markii ay kaga adkaatay Manchester United 2-1, kulankii wareega afar dhamaadka UEFA Europa League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku mari waayeen labada kooxood ee Sevilla iyo Manchester United.

Daqiiqadii 9-aad kooxda Manchester United ayaa heshay rigoore ama gool ku laad, waxaana gool u badelay xiddiga qadka dhexe ee reer Portugal Bruno Fernandes, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaamineysay Red Devils.

Laakiin daqiiqadii 26-aad kooxda Sevilla ayaa la timid goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay laacibka reer Spain ee Suso.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 78-aad kooxda Sevilla ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay dheesha Luuk de Jong.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay  Sevilla kooxda Manchester United, waxayna kooxda reer Spain iska xaadirisay finalka tartanka UEFA Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here