Baydhabo(Radio Arlaadi)-War ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Turkiga ay dib u bilaabi doonto inta badan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee ay diyaaradu ku tegi jirtay dalalka caalamka.
Shirkadda Duullimaadyada ee Turkiga oo horay u joojisay dhammaan duullimaadyadii ay ku tegi jirtay dalalka caalamka sababo la xiriiro cudurka safmarka ah ee Karoona Feyris ayaa haatan dib u bilaabeysa duullimaadyadii caalamiga ahaaa.
Caadil Karaysmayoglu oo ah wasiirka gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Turkiga ayaa sheegay inay soo geb-gabeeyeen wada-hadallo ay la lahaayeen madaxda 92 dal wadahadalladaas oo ku saabsanaa dib u bilaabida duullimaayada ay dalalkaasi ku tegi jireen diyaaradaha Shirkadda Turkiga.
Wasiirka gaadiidka ayaa sheegay in duullimaadyo qorsheysan iyo kuwo aan qorsheysneyn intaba ay bilaawdeen 13-kii Bishaan si toos ahna ay u socon doonaan.
Madaxda shirka Turkish Airlines ayaa sheegay in ay shirkaddu khasaartay lacag dhan 2.23 Bilyan ee Lacagta Liiraha Turkiga oo u dhiganta $315.9 million oo Dollar tan iyo markii uu dillaacay cudurka Karoona Feyris.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 3-dii bishan aynu ku jirno ku dhawaaqday in la fasaxay dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa.
Soomaaliya wax ay kamid tahay dalalka ay shirkadda diyaaradaha Turkiga ay ku tegi jirtay duullimaadyada caalamiga.