Hordhac: Sevilla vs Manchester United

0
361

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Manchester United iyo Sevilla ayuu midkood caawa iska xaadirin doonaa ciyaarta ugu dambaysa ee finalka tartanka Europa League. Labada kooxood ayaa jilbaha isku dari doona magaalada Cologne ee waddanka Jarmalka iyagoo wareeggii siddeedda kasoo kala adkaaday FC Copenhagen iyo Wolverhampton Wanderers.

Sevilla oo sannadihii ugu dambeeyey ka mid ahayd kooxaha tartankan ku awoodda badan ee kusoo geuuleysanaysay, waxay u dagaallamaysaa in markii shanaad ay koobka ku guuleystaan. Unai Emery ayaa saddex koob oo Europa League oo xidhiidh ahaa u qaaday sannadihii 2014, 2015 iyo 2016, laakiin Los Palanganas ayaa sannadkii hore ay u ahayd mid uga duwan xili ciyaareedyadii hore oo ay wareeggii 16ka kaga hadhay, waxaana dhexda u gashay Slavia Prague oo si lama filaan ah u garaacday.

Julen Lopetegui oo ah tababaraha Sevilla, waxa uu niyad-jabkii uu kasoo qaaday Real Madrid oo muddo kooban lagaga caydhiyey uu iskaga maydhay bandhig wanaagsan oo uu Sevilla kula kowsaday, waxaana aan dhinacooda dhulka la dhigin 19kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, taas oo ah mid ay niyad wanaagsan ku helayaan, walaacna ku haysa Manchester United.

Kulankii wareegga siddeedda ee ay Wolves la ciyaareen, waxay soo bandhigeen ciyaar cajiib ah iyagoo rikoodhena ka badbaadiyey Raul Jimenez waxaana gool laga dhaliyey ay ugu beddeleen laba gool, iyadoo Lucas Ocampos uu daqiiqaddii 88aad goolka guushu ku raacday u dhaliyey.

Xili ciyaareedkan ayey Sevilla ka duwan tahay midkii hore, waxaanay xaqiijisteen booskooda Champions League ee xili ciyaareedka dambe iyagoo kaalinta afraad kaga dhamaystay horyaalka LaLiga, waxaana kaliya ka horreeyey Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid.

Dhinaca kale, Manchester United oo ka mid ah kooxaha hormoodka u ah qaaradda Yurub balse sannadihii ugu dambeeyey hoos u dhacday ayaa qaybtii dambe ee xili ciyaareedkii dhamaaday lasoo baxday qaab ciyaareed cajiib ah oo ay kusoo bandhigtay awood.

24kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada waxa kaliya oo laga adkaaday hal kulan, taas oo caddaynaysa in tababare Ole Gunnar Solskjaer ay kooxdiisu isbeddel weyn samaysay intii uu kusoo biiray Bruno Fernandes oo guushii ugu dambaysay ee ciyaartii Copenhagen ku hoggaamiyey markii uu dhaliyey rikoodhe waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta.

LASK oo ay wareeggii 16ka kusoo garaaceen iyo Copenhagen oo ay wareeggii siddeedda kusoo jiidheen kaddib, waxay Manchester United taagan tahay semi-finalka waxaana kaliya inay koob ku guuleysato xili ciyaareedkan ka xiga laba ciyaarood oo midda hore ay tahay midda Sevilla ee caawa.

Xili ciyaareedkii 2016-17 ayay Manchester United ku guuleysatay koobkan, waxaana afartii jeer ee ugu dambeeyey ee semi-finalka tartamada Yurub ay tagtay ay dhamaantood iska xaadirisay finalka iyagoo laba ka mid ahna ku kala guuleystay Champions League 2007-08 iyo Europa League 2016-17, halka labada jeer ee kale ay Barcelona kaga guuleysatay tartanka Champions League.

Manchester United iyo Sevilla waxa midkooda badiya caawa uu iska xaadirin doonaa finalka oo ay koobka ku dagaallami doonaan Inter Milan ama Shakhtar Donetsk midkooda soo badiya ciyaartooda Isniinta, iyadoo finalka na la qaban doono August 21.

Marka la eego lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee tartanka Europa League, Manchester United marna lagama badinin, waxaanay soo guuleysteen shan ciyaarood hal marna barbarro ayay gashay. Sevilla iyadu waxay guuleysatay saddex ciyaarood, laba barbarro ay gashay iyo mid laga badiyey.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Sevilla vs Manchester United

Tartanka: Europa League, wareegga semi-finalka

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: RheinEnergieSTADION, Cologne-Germany.

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here