Twitter oo shuruuc adag ka soo saareysa faafinta xogaha khaldan

0
265

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Shirkadda Twitter ayaa shalay oo Arbaco aheyd shaacisay in ay qorsheyneyso ballaarinta shuruucda ka dhanka ah faafifinta xogaha khaldan xilli ay soo dhowdahay doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Tallaabadan ayaa khuseysa in shirkadda Twitter ay la imaado siyaasado cusub oo lagu hubinayo xogaha la xiriir codeynta doorashada si marwalba loo helo xog sax oo aan marin habaabin ku dhisneyn.

“Ka hor doorashada 2020 ee Mareykanka wax aynu diiradda saareynaa awoodsiinta iyo inuu isdiiwaangeliyo qof walba oo u qalma inuu codeeyo iyada lala imaanayo iskaashi, qalab iyo siyaasado cusub” ayay tiri Jessica Herrera-Flanigan oo ah madaxweyne ku xigeenka Twitter ee dhanka siyaasadaha dowliga ah.

Barta Twitter ayaa sheegtay in ay qaadi doonto tallaabooyin Iyo siyaasado cusub oo lagu hagaajinayo habka codeynta ka hor bisha soo socota.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Taraam ayaa dhowr jeer caddeyn la’aan sheegay in lagu codeyn doono qaab e-mail ah sababo la xiriira cudurka karoona feyris oo deyrtan aad ugu faafay dalka Mareykanka. Codeynta Online-ka ah ayaa noqon karta mid khiyaano iyo wax isdaba marin badan ay ka dhici karto.

Balse codeyntan Online-ka ah ma aha mid ku cusub Mareykanka oo afar meelood meel 1/4 ayaa ku codeysay online doorashadii 2016-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here