Barcelona Oo War Cad ku aadan Ousmane Dembele Siisay Man United.

0
228

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Barcelona ayaa lagu waramyaa in United ku war giliyeen qiimaha ay uga kaaftoomi karaan xiddiga ay sida weyn u baacsaneyso kooxda reer Jarmal ee Ousmane Dembele

United oo ku fashilantay saxiixa Sancho oo Dortmund u ciyaara waxa au haatan xoogga saarayaan saxiixa Ousmane Dembele kaasi oo isna laga yaabo in uu ka huleelo Barca .

Wargeyska Deportivo ayaa sheegaya in Barcelona ku war giliyeen United in ay la yimaadaan aduun dhan 81 milyan oo euro

Ousmane Dembele oo sedex sano ka hor ka soo wareegay Dortmund waxa uu ka sheegtay dhaawacyo waana midda keentay in Barca ka fikirayaan iibintiisa.

United inkastoo ay xiiseynayaan Ousmane Dembele hadana weli si cad uma aysan sheegin qiimaha ay doonayaan in ay ka bixiyaan saxiixiixsa.

Wiilkaas reer France wax kulan ah uma ciyaarin Barcelona tan iyo bishii Novembver sababo la xariira dhaawacyo hayay kaliyana 5 kullan oo La Ligaha ah ayuu ku soo muuqday xilli ciyaareedkaan 2019/2020-ka

United dhanka kale dalab aan la shaacin qiimihiisa waxa ay ka geeyeen Fati kaasi oo la og yahay in hishiiskiisa haatan lagu bur burin karo 114 milyan euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here