QM oo sheegtay in ay kumanaan Soomaali ah ku xanniban yihiin Dalka Yemen

0
298

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in kumanaan musaafuriin sharci darro ah ay ku xayiran yihiin Dalka Yemen, halkaas oo ay ka jiraan colaado daba dheeraaday.

Waaxda IOM u qaabbilsan baxnaaninta barakacayaasha ee DTM ayaa diiwaan gelisay 3,669 musaafuriin ah, kuwaas oo badankood ka tagay Soomaaliya intii u dhaxaysay April illaa June 2020, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda socdaalka Adduunka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dad gaaraya 4000 oo musaafuriin sharci darro ah una badan Soomaali  ay hay’adda IOM ka codsadeen Bishii June ee Sanadkan taakuleyn ku aaddan in loo celiyo Dalkoodi Hooyo.

Musaafuriinta sharci darrada ah oo badankooda ka tagay geeska Afrika ayaa waxay Dalka Yemen gaareen xilliyo kala duwan, si ay fursado shaqo iyo nolol ugu raadsadaan Waddamada Khaliijka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here