Fatahaado Ka Dhacay Itoobiya oo ay Ku Barakaceen Kumannaan Qof

0
251

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dad tiradooda lagu qiyaasay 20.000 oo qof ay ka barakaceen guryahoodii kaddib fatahaado ka dhacay gobolka Cafarta ee waqooyi bari dalkaas.

Masuuliyiinta hay’adda maareynta musiibooyinka ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in fatahaadaha ku rogmaday gobolkaas ay dhaliyeen burbur hantiyeed.

Fatahaadahan ayay xukuumaddu sheegtay in ay ka dambeysay kaddib markii uu buux dhaafay wabiga Awaash kaas oo dhibaato xoog leh gaarsiiyay deegaanka.

Marka laga soot ago barakaca iyo burburka hantiyeed ee ay sababeen fatahaaduhu ma jiraan ilaa iyo hadda wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay.

Hay’adda maareynta msiibooyinka dalkaas ayaa sheegtay in ay jiraan 51.000 oo qof oo halis ugu jira waxyeellada fatahaadaha iyada oo intaa ku dartay in howlaha gurmadku ay socdaan oo ay ka qeybqaadanayaan diyaaradaha ciidamada.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay sawirro muujinaya baaxadda fatahahaadaha iyo dad ku dhex go’doonsan biyaha iyaga iyo xoolohoodiiba.

Dadka ku nool deegaanka Cafarta ayaa badankood ah dad reer guuraa ah waxa uuna deegaankaasi caan ku yahay dalxiiska waxaana lagu tiriyaa in deegaankaasi yahay goobta dunida ugu kulul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here